Aadan Muxumed Cumar(Aaadan gaab) oo ah nin da’diisu ku dhowdahay 60 sano ayaa wakhti dhow bilaabay waxbarashada oo waliba uu ka bilaabay dugsi hoose dhexe oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Aadan oo ku soo koray miyiga islamarkaana aan helin fursad uu wax ku barto ayaa sheegay in markii uu magaalada soo galay uu waxbarasho la’aanta kala kulmay caqabado badan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ganacsi uu lahaa ay u suurtogeli weyday in uu sii wado balse haatan uu doonayo inuu wax barto kuna haminayo inuu ku biiro siyaasadda dalkaas.
“Waxaan isku dayay in aan ganacsi sameeyo, waxaa dhacday in ganacsigii aan wadi waayay aqoon darro darteed..waxaan u maleeyay in aqoonta la’aanta in badan ay ii keeneyso in mar walbo aan dib u dhaco sidaas ayaa ku kaliftay oo aan go’aansaday in aan ku noqdo waxbarashada”
Aadan wuxuu ka shekeynayaa sida uu ku bilaabay waxbarashada iyo sida uu ula falgalay caruurta maadama uu isagu yahay nin weyn.