Dad ku dhaawacmay Dagaalkii Maanta ka dhacay Magaalada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa Diyaarad Caawa kasoo dejisey Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa waxa Seddex Ambalaas looga soo daabulay dadka dhaawacyada qabay.
Tiro Rasmi ah lama sheegi karo dadka dhaawacyada ah oo Askar iyo Shacab iskugu jira qaarkood ayaana la dhigay Cusbitaalka Madiina oo Hadda Dawlada maamusho.
Labaatameeyo Qof ayaa madaafiic iyo Rasaastii Dagaalkii maanta Buula Xaawo ku waxyeelo noqday kuwooda aadka ucuslaa ayaana diyaarada ay keentay Muqdisho.
Mas’uuliyiin katirsan Dawlada ayaa Dhaawacyada xaalkooda la socon doona inta ay Cusbitaalada ku jiraan,Shacab Carruur ku jiraan ayaa dadka dhaawacyada ah.