Xarardheere:-Wararka aan ka heleyno magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in ururka Al-Shabaab ay afduubteen in ka badan 50-gaari oo ay la haayeen dad ku nool magaaladaas.
Nin ku sugan Magaaladaasi oo magaciisa qariyay ayaa saxaafadda u sheegay in Al-Shabaab ay gaadiidkaas dadkii lahaa xoog uga kaxeysteen.
Al-Shabaab ayaa gaadiidkaas ka afduubtay mid ka mid ah laba beelood oo ay diyo u kala qaadayeen, sida uu noo sheegay qofka aan wareysanay ee ku sugan magaalada Xarardheere.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa intii ay jirtay gacanta ku hayey magaalada Xarardheere oo dhacda Koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, isla markaana ah magaalo muhiim ah, maamulka Galmudug ayaana ku guul-dareystay inay ka xoreeyaan.