Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay xubnaha guddiyada maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee ay shaaciyeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa lagu qaaddacay labada liis ee ay soo saareen madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, waxayna wasaaraddu sheegtay in xubnaha lagu dhawaaqay ay yihiin kuwo aan la waafajinin hannaankii lagu heshiiyay.
Maxaa lagu sheegay Bayaanka?
Warqad kasoo baxday wasiirka oo lala wadaagay madaxweynaha dowladda federaalka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo diray labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland, sidan ayeyna u dhigneyd:
“Heshiiskii Dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku gaadheen magaalada Muqdisho 17-kii bishii September, 2020, oo ay meel mariyeen Golaha Shacabka iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee sida wadajirka ah loo saxiixay 1-dii October, 2020, waxay qeexayeen hannaanka lagu magacaabayo guddiyada heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
“Xafiiska Wasiirka 1-aad ee XFS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta midkoodna sooma gaadhin qoraal rasmi ah oo ku saabsan magacaabista Guddiyada Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxay mar kale ku celineysaa in guddiyada ay shaaciyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay yihiin kuwo baalmarsan hannaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada.”
Warka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa daba socday go’aankii ay labada maamul goboleed kusoo bandhigeen guddiyadooda doorashada.
27-kii bishan ayaa madaxtooyada Puntland laga soo saaray magacyada siddeedda xubnood ee u maamulaya doorashada, kuwaasoo kala ah:
- Cabdikariim Muuse Maxamuud
- Muuse Cabdulqaadir Ducaale
- Axmed Cabdi Maxamuud
- Caynaanshe Yuusuf Xuseen
- Caydaruus Axmed Faarax
- Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
- Farxiya Xuseen Maxamuud
- Canab Xaaji Saleebaan Warsame
Sidoo kale Jubbaland ayaa shaacisay siddeed xubnood oo dhankooda u maamuli doona doorashada heer dowlad Goboleed, qoraal kasoo baxay maamulkaas ayaana lagu sheegay in xubnaha la xushay ay kala yihiin:
- Siyaad Maxamuud Mursal
- Axmed Maxamuud Cumar
- Axmed Cabdi Nuur
- Samsam Faarax Abuukar
- Maxamed Cusmaan Gaab
- Ibraahim Aadan Ibraahim
- Axmed Yuusuf Maxamed
- Abuukar Nuur Cabdi
Labo xubnood oo dumar ah ayaa ku jira liiska guddiga doorashada ee Puntland, halka guddiga ay Jubbaland ay ka dhex muuqato hal qof oo haween ah.
Qodobka 5-aad ee mabaadiida habraacyadii lagu heshiiyay shirkii 17-kii September ayaa xusaya in siddeedda xubnood guddiga doorashada ee dowlad goboleedka ay ka 30% noqdaan dumar. Taas ayaa ka dhigan in labo xubnood ka badan ay khasab tahay in dumar laga dhigo.
Habraacyada guddiyada doorashooyinka ayaa xusayay mabaadii’da ay ku dhaqmayaan iyo shuruudaha lagu xulanayo intaba.
Hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku gacan seyrtay liiska labada maamul goboleed ma aysan xusin qodob gaar ah oo ay ku diiddan tahay.
Ilaa hadda ma jirto wax jawaab ah oo ay mas’uuliyiinta Puntland iyo Jubbaland kasoo saareen hadalka ugu dambeeyay ee kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee federaalka.
Horay waxay musharraxiinta xilka madaxweynaha ee mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada uga soo hor jeesteen guddiga heer federaal ee ay dowladda dhexe u igmatay in ay doorashada maamulaan, kuwaasoo ay ku tilmaameen in aysan dhexdhexaad noqon karin.
Maxay arrintan ka tidhi Qaramada Midoobay?
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, oo booqasho ku jooga magaalada Jowhar ee maamul goboleedka Hirshabeelle, ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay Puntland iyo Jubbaland ku shaaciyeen liiska guddiyadooda doorashada.
Shir jaraa’id oo uu warfidiyeenka ugu qabtay halkaas ayuu ku sheegay in tallaabadaas ay tahay mid “wax ku ool ah”.
James Swan ayaa dhanka kale soo dhaweeyay kulanka lagu baaqay in ay isugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Mamul Goboleedyada.
Beesha Caalamka, ee uu hoggaaminayo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa horay uga dalbatay dhinacyada ay khuseyso siyaasadda Soomaaliya in ay meel dhexdhexaad ah oo la isu waafaqsan yahay ka istaagaan arrimaha doorashada, ka hor inta aan wax tallaabo ah loo qaadin fulinteeda.
Doorashada baarlamaanka oo waqtigeeda uu ahaa bishii lasoo dhaafay ayaan wali qabsoomin, halka shaki weyn laga muujinayo sida ay ku qabsoomeyso doorashada madaxweynaha oo la sugayay in ay dhacdo bisha February ee foodda nagu soo heysa.
Khilaafka doorashada oo in muddo ahba soo jiitamayay ayaa hadda u muuqda in uu waji cusub yeelanayo, halkii ay markii hore hadal-heyntu ku saabsaneyd guddiga heer federaalna ay u weecaneyso heer dowlad goboleed.
Xigasho:BBCSomali