Wararka laga helayo deegaanka Bacaadweyne ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in shalay gabal dhiciiuu halkaasi dagaal ka dhacay kaa soo u dhaxeeyay Al shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya dadka deegaanka .
Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac oo labada dhinac soo gaaray.
WasaaraddaAmniga Galmudug ayaa war ay barteeda facebook-ga ku daabacayayay ku sheegtay in ciidamada dowladda kuwa mamaulka Galmudug iyo ciidamada deegaanka ay Al-shababa khasaare gaarsiiyeen.
Guddoomiyaha deegaanka Bacaad weynAxmed Daahir ayaa BBC-da u sheegay in labada dhinac uu khasaare ka soo gaaray dagaalka.
“Xagooda dad fara badan ayaa ka dhintay kana dhaawacmay, anagu xageena 8 qof ayaa dhimatay, toban iyo dhowr qofna waa dhaawac” ayuu yiri Axmed Daahir.
Deegaanka Bacaadweyne dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale dagaallo khasaare gaystay uga dhaceen.