Dowladda Kenya ayaa la filayaa in sacadaha soo aaddan ay qabato shir jaraa’id oo ay kaga hadlayso Xaaladda dagaalka Gobolka Gedo oo horay loogu eedeyay in ay hurinayso.
Kenya waxaa ay sheegtay in Shirkeeda ay qabanayso ay kaga hadlay arrimo la xariira dagaalka Gobolka Gedo iyo Xiriirka xumaaday ee u dhexeya Kenya Soomaaliya, waxaana la filayaa in warkaas ay soo saarto isla maanta 11:00 Barqanimo.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay u shaacisay in dagaalkii ka dhacay Gobolka Gedio ay dowladda Kenya lug ku lahayd, waxaana wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya shaaciyay in Kenya ay soo hubeysay Maalleeyshiyaad, waxaana Kenya ay iska fogeysay eeddaasi, iyadoo sheegtay in aysan jirrin wax lug ah oo ay ku leedaahy dagaaalka Gobolka Gedo.