1. Abii Sifyaan Bin Cayina ayaa yiri: Sheeydaan oo ah ka Makhluuqa Alle kan ugu Sharta badan, ayaa Duceeystay oo Allaah baryay, isaga oo leh Allow “Haleey sugo illaa Maalinta Bacthiga ee Dadka la soo bixinayo” waana la aqbalay ducadii Sheydaanka, Adiga oo Muslim ah maxaad u maleeynee Haddii aad Duceeysato oo aad Alle barido ( F.S: 1aad)
( Xildhibaan ayaa ku duceeystay 4tii Sanno, in Hal Sanno loogu Daro. Gudoomiyihiisana wuxuu ka dhaadhicyay inay isku Doon saaran yihiin, waana ka ogolaaday. kuwa kale oo 4 Sanno ku yaraaty ayaa iyana 4 kale ku duceeystay, ma loo Aqbalay, yaah)
2. Cali yare ayaa yiri: Hooyadeey waxaan ku iri, Gabar Booyaas ah ” Jaariyad ha noo keenin Guriga. Laakin way iga diiday. Hadda Booyaastii waa matagee. maxaa dhacay?. ( F.S: 2aad)
(Oday Cabdulle ayaa yiri: Guddigii diyaarinayay Dastuurka ayaan ku waaniyay wadankaan Federaal yaan la keeniin, waa iga diideen. Hadda Fideraalkii waa matagaa. Xal keen)
3. Haddii Gabaru ey ku siiso Numbarka Mobilkeeda, inta eyna kaa tagin u akhri Numbarka ey ku siisay, Adiga oo ku Darayo hal Numbar oo khalad ah. Haddii ey kaa saxdo Daneey kaa leedahay, haddii ey ku tiraa sidaan ayuu ku saxan yahay, ha ku Lug go’in.
( Haddii Siyaasi ballan kuu dhigo oo uu ku yiraa: Xafiiska iigu imaad 26-ka Bisha., iska fiiri inay Jimco tahay iyo in kale).
4. Nin laga roone “Qoowmu Luud ah” ayaa lagu Xakumay 25 Sanno oo Xabsi ah, waxaa lagu Xiray Qol ey ku xiran yihiin 10 Nin oo Xabsi daa’im ku Xakuman. waxa uu yiri Laga roonihii, ma Xabsi ayaan galay mise Aroos cusub.
( Sarkaal Dambiile ahaa oo lagu soo eedeeyay in uu Lacag ka xoogay Dad Shacab ah oo Masaakin ah, ayaa La dalacsiiyay oo laga dhigay Xisaabiye Guud)
5.Nin ayaa Masjidka soo galay, waxa uu yiri: Jameecooy ha la ii Duceeyo, Gabar aan Dhalay ayaa Guriga ii joogto mana hadasho mana Soco karto. Jamaacadii ayaa u duceeysay.
waxaa lagu yiri: maxaad Isbitaal u geeyn weeyday? . waxa uu yiri: waxa ey jiryaa 4 Cisho oo kaliya, Hooyadeedan weli waa umul.
( Yaa gar daran ma Ninka mise Jamaacada?. wax hubso)
6. Galmudug ayaa Ciyaar laga badiyay, Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug ayaa yiri: Tababaraheena ayaa khaladka lahaa, Ciyaartooydeena waxa la baray kuma jirin Rigooro. Garsooruhuna waxa uu ahaa Najis Najis dhalay, Xabbad Af saar ah waa la arki jiray, laakin Gool Af saar ah lama arag. Tol beelaye, Gool haye Sacabooley ah iyo Koox aan Itaaf wadan yaa ciyaar u dirsan jiray. ( F.S: 3 & 4aad)
( No Comment)
Qore: Yahya Amir