Mugdi weyn ayaa ku dhax jiro, Go’aanka saameeya 3da dhinac ee IGAD, Kenya iyo Somaliya.(F.S: 1aad).
Waxaa si cad looga Dareemi karaa in go’aanku Laba mid uu ku saleeysan yahay.
1. Runna ha sheegin, beenna ha sheegin, waxaad sheegtana ha weyn.
2. in Dowladda Kenya iyadu ey u qortay, Guddiga Go’aanka ey soo saareen.
Dhinac marka aad ka fiiriso waxa uu muujinayaa Daciifnimada Dowlada Somalida oo aan xuuraansan Qaybya qoraalka go’aanka ka hor intii aan la soo saarin.
Waxaa kale oo uu meel ka dhac ku yahay Sharafka Ummadda ummadda Somaliyeed.
waxa uu ceeb ku yahay IGAD iyo Guddiga loo xilsaaray oo iska qaatay Go’ dhinac u raran, la iskuna daray, Run, Been iyo Mala awaal.
Go’aanka mugdiyaa ku jiro, toosh ha lagu ifiyo si go’aanka Baraxaa loo bayaaniyo beentana looga saaro.
FG: Waxa naga dhexeeyo Annga iyo Walaalaheena Jabuuti iyo arrinta Guddiga Farsamada ee IGAD yeeyna isaga kaa darsamin.
Ha la hubiyo saxnimada qoraalka IGAD!.
Qore: Yahya Amir.