Jen. Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa sheegay inuusan Hotelka Afrik ku sugneyn markii qaraxa iyo weerarka Alshabaab ka dhacay, sida lagu baahiyey baraha bulshada.
Gurigeyga ayaan joogay markii qaraxu dhacay ee waxaan Hotelka u tegay gurmad, anigoo ahaa dadkii ugu horeeyay ee Hotel Afrik gurmadka u tegay.. Rasas badan ayaa dhaceysay waxaan ka galnay dhinaca Buundooyinka, dad badan ayaan kasoo badbaadinay aniga iyo ciidankeyga, kadib waxaa iigu yimid Saadaq joon (Taliyaha Booliska G/Banaadir) iyo ciidamada Amniga, markaas ayaan kasoo tegay..& ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indha-cadde oo la hadlay Warbaahinta.
Jeneraal Indha-cadde ayaa sheegay in maleeshiyada Hotelka galeen ay wateen Gaari Qooqan ah oo ay uga degaan Garashka ku dhow Hotelka, kadibna markii Gaariga lagu dhuftay iridka ay gudaha u galeen; wuxuuna intaas ku daray in hadda laga saaray qeybta sare ee Hotelka oo ay ku jiraan qeybta hoose ee Reception-ka.
Wuxuu sheegay inuu xaqiijin karo geerida C/llaahi Nuure iyo ninkii ilaalada Hotelka madaxda u ahaa, ayna soo badbaadiyeen dad fara badan, qasaaruhuna uu yaraa oo aanu ahayn sida loo maleynayo.