War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in madaxweynaha uu go’aansaday in shir ay isugu yimaadaan madaxda Dowlad Goboleedyada, dowladda federaalka iyo Gobolka Banaadir.
Dowladda federaalka waxay sheegtay in shirka Isniinta lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb.
Jibril Maxamed oo jaamicadda Ohio ee dalka Mareykanka ka dhiga culluunta Afrika ayaa sheegayaa inay adagtahay in labada dhinac ay si deg deg ah ugu heshiiyaan waxyaabaha laisku hayo maadama Dhuusamareeb horey loogu qabtay shirar kale oo looga hadlayay arrimaha doorashada.
“Shirkan waxaa ka horreeyay shirkii September 2020 oo heshiiska lagu gaaray oo dhammaan gobollada iyo madaxweynaha ay isla qaateen qaabka doorashada ay u dhaceyso, goorta la bilaabayo jadwalka iyo faahfaahinta..heshiiskaasna waa fuli waayay.
“Wey adagtahay runtii in hadda Dhuusamareeb in la isugu tego horey heshiis laga gaaro waayo labo gobol ayaa arrinta diidaneyd markii hore Jubaland iyo Puntland.”
Wuxuu intaas ku daray in arrimo dhowr ah ay horseedeen in la qabto shirkaas oo ay kamid yihiin muddo xileedka dowladda oo sii dhamaanayo iyo shirkii beesha caalamka ay la yeesheen madaxweynaha.
“Doorashadii loo madlanaa ee afarta sano ah oo xilligeedi la gaaray marka waa qasab in la shiro oo la ballamo oo la wadahadlo, waxaan ognahay in beesha caalamka ay madaxweynaha la Shireen inay dadaal wadeen, marka laisku geeyo arrimahaas.
“Muddadii oo dhamaad ah iyo beesha caalamka oo cadaadiska wadda iyo in aysan suurogal aheyn in la kala maqnaado waxaa muhiim noqotay in laisku yimaado.”
Arrintani ayaa kusoo beegmeysaa xilli shaley magaalada Muqdisho shir looga hadlayo arrimaha doorashada ku yeesheen madaxweynaha dowladda federaalka iyo xubnaha beesha caalamka.