Muqdisho:- Wasaarada amniga maamulka Koonfur galbeed ayaa xaqiijisay in saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ay xalay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Ma’moodow oo qiyaastii 40-km dhanka waqooyi uga began degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Duqeynta ayaa waxaa ku naf waayay Horjoogayaal ku mashquulsanaa sidii loo dhibaatayn lahaa hantida shacabka Soomaaliyeed,waxaana maleeshiyada la duqeeyey isku dayeen in ay wada u galaan gaadiid ganacsi iyo kuwo gargaar u siday degmada Xudur.
Duqeynta oo ka dhacday deegaanka Ma’moodow ee gobolka Bakool ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka, saaxiibada Soomaaliya iyo maamul Koonfur galbeed ku doonayaan sidii maleeshiyada Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan deegaanada maamulkaas.
Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ka firxaday howlgalka ay wadaan ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa saaxiibada caalamka ayaa si dhuumaaleysi ah ku jooga deegaano ka tirsan gobolka Bakool, kuwaas oo lagu raad joogo.
Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur galbeed oo ka jawaabaya baaqa shacabka gobolka Bakool ee go’doominta maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qaaday howlgal lagu baacsanayo kooxaha argagixisada si looga dul qaado dhibaatada shacabka ku hayaan.