JAKARTA:-Wararka ka imanaya dalka Indonesia ayaa sheegay in la la’yahay diyaarad ay leedahay shirkad lagu magacaabo Sriwijaya Air taas oo sidday dad tiradoodu ka badantahay 60 qof.
Diyaaradda ayaa la sheegay in laga waayay raadaarka daqiiqado kaddib markii ay maanta ka duushay magaalada Jakarta ee caasimadda dalkaas.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737-500 oo shaqaynaysay muddo 27 sano ah ayaa ka duushay Jakarta iyada oo ku wajahnayd Pontianak oo ay ku tagaysay duullimaad saacad iyo badh ah.
Afhayeen u hadashay shirkadda iska leh diyaaradda la la’yahay ayaa sheegtay in ay ku howlan yihiin uruurinta xogta diyaaradda maqan.
Wakaaladda baadigoobka iyo badbaadada Indonesia ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jiraan sidii kooxaha gurmadka iyo badbaadadu ku heli lahaayeen diyaaradda.
Shirkadda Sriwijaya Air oo dhidibbada loo taagay 2003-dii ayaa ah shirkadda kaalinta saddexaad kaga jirta dhanka duullimaadyada dalka Indonesia iyada oo bishii ilaa hal milyan oo qof u kala daabusha gudaha dalkaas, sidoo kale waxay duullimaadyo caalami ah ku tagtaa dalalka Shiinaha, Malaysia iyo Singabuur.