Wararka ka imanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaallo ay xalay ka dhaceen degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug kadib markii saacadihii hore ee xalay ay weerar ku soo qaadeen Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid ka dib xiisad ka dhalatay dhalinyaro degaanka ah oo kasoo horjeeday Al-Shabaab , kuwaasoo isku aruursanayay degaano hoos yimada degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.
Qaar ka mid ah shacabka degaanka Bacaadweyne ayaa sheegay in xalay ay maqlaayeen daryanka madaafiic ay is weydaarsnaayeen labada dhinac, islamarkaana qaarkood ay bilaabeen inay barakcaan, lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Dhanka kale Dadka degaanka iyo ururka Al-Shabaab ayaa sanadkii lasoo dhaafay dhowr ku dagaallamay degaanka Bacaadweyne iyo degaanka Shabeellow ka dib markii ay diideen in ay bixiyaan lacag ay weydiisteen Al-Shabaab.