Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo shir jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyey go’aanka Taariikhiga ah ee uu Madaxweynaha Soomaaliya Mdane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay in Gobolka Banaadir Aqalka sare ku yeesho 13 Senitor.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa shacabka ka codsaday in aan laga hor imaan go’aanka Madaxweynaha Soomaliya ku saxiixay in Gobolka Banaadir uu Aqalka sare ku yeesho 13 Xildhibaan.