Ra’iisul Wasaaraha gobolka Ontario ee dalka Canada Doug Ford ayaa ku dhawaaqay is casilaadda wasiirkiisii dhaqaalaha oo booqasho ku tegay dibadda, xilli gobolku uu ku jiray xayiraad.
Wasiir Rod Phillips ayaa raalligelin bixiyay wuxuuna safarkaasi ku tilmaamay “khalad laga habboonaa”.
Mr Ford ayaa shalay sheegay in is casilaadda Mr Phillips ay tusaale u tahay in dowladdiisa ay dhowreyso sharciga.
Gobolkaasi oo ah kan ugu bulshada badan Canada ayaa laga mamnuucay dhammaan safarrada aan muhiimka ahayn xilli gobolkaasi uu diwaan geliyay kiisas badan oo cusub.
Mr Phillips, oo xubin ka ah Xisbiga Progressive Conservative, ayaa safar gaar ah ku tegay St Barts 13-kii December isagoo soo laabtay shalay subax.
Saraakiisha caafimaadka Ontario ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay guryaha joogaan iyadoo ay kordheen kiisaska Covid-19..
Waa sidee xaaladda Ontario?
- Ontario ayaa xayiraad adag gashay 26-kii December
- Shalay, gobolka waxaa laga diwaan geliyay 3,328 oo kiisas cusub oo Covid-19 ah iyo 56 dhimasho, sida uu baahiyay telefishinka CBC
- Canada waxaa laga soo sheegay 582,000 oo kiisas ah guud ahaan iyo 15,600 dhimasho ah, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins
Mr Phillips ayaa weriyeyaasha u sheegay markii uu ka soo degay Garoonka Toronto Pearson inuu rajeynayo inuusan shaqada ka tegin, balse uu xushmeynayo go’aanka Ra`iisul Wasaaraha.
“Way caddahay, waxaan sameeyay khalad, waana la igula xisaabtami doonaa,” ayuu yiri Mr Phillips. “Uma sameynayo marmarsiyo xaqiiqda ah inaan safray xilli ay ahayn inaynaan safrin.”
Goor dambe shalay, Mr Ford ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu aqbalay is casilaadda Mr Phillips kaddib wada hadal ay yeesheen. Mr Ford ayaa ka codsaday Peter Bethlenfalvy, oo haatan ah madaxweynaha waaxda maaliyadda inuu sii hayo xilka wasiirka dhaqaalaha.
Arbacadii, Mr Ford ayaa sheegay in safarka Mr Phillips uu ka war helay labo toddobaad kahor, balse wuxuu sheegay in wasiirku “uusan cidna u sheegin” inuu aadayo St Barts, sida uu baahiyay CBC.
Hoggaamiyaha Xisbiga Dimuqraaddiga ee cusub Andrea Horwath ayaa Arbacadii ku baaqay in Mr Phillip shaqada laga cayriyo, isagoo sheegay in wax aan la aqbali karin ay tahay inuu iska indho tiro talada caafimaadka dadweynaha, iyadoo ay dowladdu maalin walba ka codsaneyso dadka Ontario inay nafhurnimo muujiyaan.