Gedo:-Maamulka Gedo iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan degmada Beledxaawo ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen askar ka soo goosatay ciidamada Jubbaland ee ku sugan gudaha Kenya, gaar ahaan aagga magaalada Mandheera.
Askartaan isa soo dhiibtay ayaa tiradooda lagu sheegay 14 askari oo ku hubesan qoryahoodii, waxaana sidaan oo kale xalay isku soo dhiibtay sideed askari, sida ay u xaqiijiyeen Saxaafadda mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan Beled-Xaawo.
Dhanka kale Ciidamadaan waxaa la sheegay inay ka amar qaadanayeen wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, waxay arrintaan ku soo aadeysaa xilli uu shalay iclaamiyey inuu dagaal ku qabsan doono magaalada Beled-Xaawo.