Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay warar sheegaya in falal kufsi ah ay ka dhaceen deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen ee gobolka Tigray.
Wakilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan falalka kufsiga ah ee ka dhaca deegaanada ay khilaafaadku hareeyaan Pramila Patten ayaa sheegtay in ay helayaan akhbaaraad laga naxo oo la xiriira kufsi kuwaasoo meelaha qaar in dad isku hal qoys ah lagu qasbay in ay isku galmoodaan.
“Qaar ka mid ah haweenka ayaa Milatarigu ay kufsadeen iyadoo la siinayay cunto ay u baahnaayeen.”ayay tiri Patten.
Pramila Pattern ayaa ku baaqday in loo oggolaaday hay’adaha Qaramada Midoobay inay awood u yeeshaan inay gudaha u galaan gobolka Tigray gaar ahaan xeryaha dadka qaxootiga iyo barakacayaasha ay ku jiraan.
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ku guuleystey abaalmarinta Nabadda sanadkii 2019 ayaa ku dhowaaqay horaantii bishii November ee sanadkii hore howlgalo milatari oo lagu qaado jabhada Tigray si looga jawaabo weerar lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada federalka ku lahaayeen gobolka Tigray.
Abiy ayaa ku dhowaaqay inuu ay ku guuleysteen ciidamada federalka Ethiopia kadib markii ay galeen caasimada Tigray,balse jabhada TPLF ayaa weli sheeganaysa inuusan dhamaan dagaalka.