Dadka ku nool magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka walaacsan colaadda soo noqnoqtay ee ka taagan magaalada Beledxaawo ee Soomaaliya kaddib markii Isniintii ay ku dagaallameen ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo ka amar qaata wasiirka Amniga Juballand, dagaalkaas oo khasaare badan dhaliyey.
Biloow Aadan Keerow oo ah senetor-kii ee magaalada Mandheera ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka ka dhaca Beled Xaawo uu mar kasta saameyn ku yeelanayo dadka ku nool Mandheera maadama labada magaalo ay deris yihiin.
Wuxuu intaas ku daray in dagaalkii shaley ka dhacay Beled Xaawo uu horseeday in Mandheera uu ka go’o khadka isgaarsiinta ee teleefoonada.
“Mandheera iyo Beled Xaawo waxaa u dhexeeysaa waddo yar boqol miitar aan gaareyn, mar alaala markii lagu dagaallamo magaalada Beled Xaawo dhibaatooyin badan baa kasoo gaaraa dagaallada ama ha ahaadaan dadka kasoo cararaya halkaas ama hubka iyo rasaasta la ridaya oo dhan baa magaalada Mandheera kusoo daadanaya”
Xigash:BBCSomali