Wakiilada Beesha Caalamka oo dadaal dheeraad ah ugu jira in xal loo helo is mari-waaga ka taagan Doorashada 2021 ayaa la wareegeysa qabanqaabada kulan ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Kulamo is daba joog ah oo wakiilada beesha caalamka la yeesheen madaxda dowadda, dowlad Goboleedyada iyo musharixiinta Mucaaradka kadib ayaa Beesha Caalamka loo jeediyey inay qabato shir la isugu keenayo dhinacyada is haya, kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu ka caga jiiday kulankaas inuu qabto.
Mushariixinta xilka Madaxweynaha ayaa si cad ugu sheegay wakiilada beesha caalamka inaysan jirin tallaabo kale oo harsan markii madaxweyne Farmaajo ka dhega adeygay inuu aqbalo xalinta caqabadaha hortaagan doorashooyinka iyo wadahadal laga yeesho midna.
Dhinaca kale madaxda dowlad Goboleedyada ayaa xalay kulankii ugu horeeyay Khadka Internet-ka in muddo ah ku yeeshay, iyadoo ka hadlay xaaladdii ugu danbeysay ee Doorashada ilo dadaalka beesha caalamka oo ka sugeysay go’aan ah inay aqbalaan shirka ay qabanqaabineyso Beesha Caalamka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya shirka ay qabanqaabineyso Beesha Caalamka uu magaalada Muqdisho ka dhici doono ka hor dhammaadka Bishan Janaayo 2021, iyadoo rajo laga qabo in xal laga gaaro doorashada, isla markaana inta uusan dhammaan muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo la soo saaro jadwal doorasho.