Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar xoogan ku qaadeen bar Kontorool oo ciidamada xooga ay ka leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada mukeyga oo ka tirsan degmada Afgooye, iyadoona halkaasi fariisamo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga dalka.
Dagaalka ayaa waxaa uu socday mudo kooban, waxaana degmada Afgooye laga maqlayay rasaasta ay isweedaarsanayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga oo ku sugan kontoroolka laga soo galo degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal uu xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada Hoose, Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada Xoogga iyo Al-Shabaab.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidan loo weeraray ciidamada militariga ee ku sugan degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada hoose.