Bill Gates Noloshiisa waxa uu sadaqeystay $ 30 Billion, Warren Buffett -na $ 26 Biliion , Andrew Carnegie-na $10 Billion, waa Noloshooda oo dhan.
Zakada Dadka Islaamka ahi ey bixiyaan Sannad kasta waa 1/2 Trillion, Si xad dhaaf ah ayaa Zakada Islaamka ee Sannadkii ey uga Badan tahay Mucaawinada Gaalladu ey Bixiyaan 100 Sanno. Laakin waxaa la yiraa Zakada Islaamka guud ahaan, ma jirto Dowlad ama heyad u xilsaaran Habeeynta iyo in lagu soo urururiyo “Baytul maal” islaamka ka dhexeeyo loona qorsheeyo sida Islaamku farayo.
Muslimiinta Maanta Qofba si ayuu u Bixiyaan Sadaqadiisa iyo Zakada.Haddii aan Tusaale u soo qaadano Laba Maal qabeen oo Reer Kuwait ah.
1. Nasser Al- kharafi ( 1943- 2011) waxa uu lahaa Hanti lagu Qiyaasay $ 11.4 Billion, waxa uuna ahaa Qofka 77aad ee Dunida ugu taajirsan. waxa uu qeyb ku lahaa Ganacsiga.Mobile lada, Bangiyada Kuwait iyo Mareykanka, Fast Food, Pizza Hub, Kenturky Fried Chicken, Zain Telcom, Shirkado dhismo oo ka shaqeeyo 30 waddan. waxa uu jeclaa in uu Ururiyo Dahabka iyo Macdanta qaaliga ah, soona Bandhigo, Noloshana uu ku faano.waxa uu ka tagay 5 Caruur ah, waxa uuna u dhintay wadana xanuun. ( F.S: 1-9aad).
2. Dr. Cabdiraxman bin Xamuud Al- Sumait ( 1947- 2013) waxa uu ahaa Dhakhtar iyo Maalqabeen Reer Kuwait ah, Shirar badan oo caalamiya oo looga hadlayo wanaaga Islaamka ayuu ku qabtay Yurub iyo Mareykanka. Kadibna waxa uu Go’aansaday in Hantidiisa uu wax ugu qabto Islaamka, waxa uu Culeeyska saaray Muslimiinta Afrika iyo Aasiya waxa uuna xanaaneeyay 9,500 Agoon dhan, waxa uu wax barasho ka dhiibay 95,000 Arday, waxa uu dhisay 5,700 Masjid, waxa uu dhisay 200 Xarumood oo Haweenka u gaar ah oo wax lagu baro, waxa uu dhisay 860 Isgool iyo 4 Jaamacadood, waxa uu dhisay 102 Xarumood oo Dadka Muslimiinta ahi ey ku shiraan, waxa uu qoday 9,500 Ceel Biyood, waxa uu Sadaqeeyay 51 Million oo ah kitaabka Qur’aanka, waxa uu Islaamiyay 11Million Qof oo Afrikaan ah, oo 7 Million oo ka mid ah uu Gacantiisa ku Islaamiyay, Wax aad u badan ayuu Somaliya ku Sadaqeeystay, waxaana ugu muhimsan Jaamacadda SIMAD.
sida Al Nasser Kharafi oo kale ayuu isna ka tagay 5 Caruur ah, sidoo kalena wadan xanuun ayuu u dhintay. Alla ha u naxariisto. ( F.S:10- 19aad).
Labadaa Hantiile ee Reer Kuwait way dhinteen Hadda ,Laakin Ninba wixii uu Aduunka ku tacbay iyo Wixii uu ku qabtay ayaa Aakhiro la weeydiinayaa.
Gunaanad
Waxaan jeclaan lahaa in aan Arko Muslimiinta oo Zakadooda ku Ururiyo Hal Baytul maal, kuna bixiyo Hab islaamka waafaqsan, Waxa ey ka badan tahay Mucaawinada Gaaladu nagu bah dilaan.
waxaan jeclaan lahaa in aan arko Hantiilayaasha Somalida oo Hantidooda Ka bixiyo wixii Alla Amray, Si sax ahna ku bixiyo.
Akhristoow Haddii Alla hanti ku siiyo ogoow in aad ka tagee sida Labadaa Hantiile ee Reer Kuwait ee aan Tusaalaha u soo qaatay.
FG: wixii aan ka khalday iga sax wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir.