Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo waanwaan ka dhex waday Madaxweynaha Soomaaliya iyo Musharixiinta Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu wakaalad ka helay dhinaca madaxweynaha.
Qoorqoor oo kulankii koowaad ee uu la yeeshay musharixiinta ku midoobay Golaha Musharixiinta laga dalbaday inuu wakaalad kasoo qaato dhinaca Madaxweynaha iyo Fahad Yaasiin ayaa dib ugu soo laabtay guddi ay arrintan u sareen Musharixiinta, isagoo soo gaarsiisay inay bilaabaan waanwaanta, kadib markii uu wakaaladaasi ka helay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xogta ayaa sheegeysa in kulan xalay dhex maray Qoorqoor iyo qaar ka mida musharixiinta looga dooday qaabka uu noqonayo waanwaanta laba dhinac oo isku khilaafsan hannaanka doorashada oo ay ugu horeyso guddiyada doorashada ee ay magacawday xukuumadda Soomaaliya.
Qoorqoor ayaa hadda bilaabaya inuu isaga dab qaado Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda mucaaradka oo ay ugu horeeyaan Midowga mushariixinta xilka Madaxweynaha oo 18 qodob kasoo saaray shirkoodii Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug ayaa hadda qaadanaya doorkii Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dhowaan sheegay inuu diyaar u yahay la-kulanka musharixiinta, laakiin waxay musharixiintu ku eedeeyeen inuu qeyb ka yahay dhibaatada ka taagan Doorashada.