Sida xog aan ku helnay, waxaa lagu wadaa inuu wada hadal u furmo madaxweyne Farmaajo iyo Midowga Musharaxiinta madaxweynaha kuwaas oo ka horyimid guddiga doorashada ee dhawaan ay magacowday Dowladda Federaalka.
Dadka Siyaasadda falanqeeya ayaa kulankan dhexmaraya Farmaajo iyo midowga Musharaxiinta ku tilmaamay mid waqti lumis ah,islamarkaana la doonayo in lagu jahwareeriyo mucaaradka maalmahan kulamada ku leh Muqdisho.
Sidoo kale, Dhinac kale, ayaa tilmaamaya in wada hadaladan bilow u yihiin isu tanaasul iyo biseyl siyaasadeed oo jiheyneysa siyaasad loo dhan yahay oo lagu wajaho doorashada soo socota.
Duufaanta Siyaasadeed ee socota ayaa la rajeynayaa iney dhinac u rido muranka ka jira doorashada dalka, iyadoo musharaxiinta ay sheegeen ineysan doorasho hal dhinac u raran ka qeyb geli doonin,islamarkaana loo baahan yahay in Dowladda Federaalka doorashada ka dhigto mid loo dhan yahay.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa la wareegay shaqadii uu lahaa Ra’iisal wasaare Rooble oo saami qeybsiga beesha Hawiye ugu fadhiya kursiga Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna wakaalad ka helay madaxweyne Farmaajo si u dhex dhexaadiyo mucaaradka iyo Dowladda.