Iyadoo la isku mari la’yahay fulinta Heshiiskii Doorashada Dadban ee ay gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka Septembar 2020, ayaa waxaa si cad u muuqanaya Isbaheysiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira xilligan.
Dowladda Federaalka ayaa taageero ka heysatay 3 maamul Goboleed oo hore ula safnaa (Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed) waxaana ka horjeeday laba kale (Jubbaland iyo Puntland), laakiin wixii ka dambeeyay Bishii Septembar waxaa abuurmay xaalado mugdi geliyay saameyntii dowladda Federaalka ku lahayd saddexda maamul ee taageersanaa.
PUNTLAND IYO JUBBALAND
Labadan maamul oo Isbaheysi soo jireen ah leh, waxay weli ka horjeedaan qorshaha Villa Somaliya ku dooneyso inay ku maamusho Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, waxayna taageerayaan musharixiinta Madaxweynaha ee mucaaradka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo hadda ah Garab siyaasadeed ku hor gudban Doorasho ay iska maamulato Villa Somalia.
Labadan maamul waxay culeyska ku kordhiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo taageerayaashiisa oo weli ku adkeysanaya inay Doorashada qabtaan Guddiyada ay magacaabeen ee muranka ka taagan yahay, waxayna halis ku hayaan inay fashiliyaan qorshahaasi, sidii ay hore meesha uga saareen Doorashadii Qof iyo Codka ahayd.
KOONFUR GALBEED
Waa maamulka kaliya ee sida buuxda u taageersan Qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo, iyadoo maamulkaasi aanu heysan wax culeys ah. Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen wuxuu caddeeyay in lagu soconayo heshiiska Doorashada, dowladuna xaq u leedahay inay magacawdo Guddiyada Doorashada.
Lafta-gareen wuxuu meesha ka saaray in caqabad laga dhigo Arrinta Gobolka Gedo ee Axmed Madoobe wato iyo Doorka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ee Guddiga Doorashada Somaliland, wuxuuna xilligan yahay madaxweynaha iyo maamul Goboleedka kaliya ee sida cad u barbar taagan Villa Somalia, diyaarna u ah inuu fuliyo Qorshaha Doorashada ee ay wadato.
GALMUDUG IYO HIRSHABEELLE
Labadan maamul waxay ku wada jiraan ha khaanad, marka ay timaado Doorashada 2020/2021, waxayna go’aan aan kala caddeyn ka qabaan arrimaha la isku hayo ee Doorashada, iyagoo ka siman inaysan si buuxda u taageeri karin Madaxweyne Farmaajo iyo Qorshihiisa dib u doorashada.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) inkastoo uu si hoose uga shaqeynayo dib u doorashada Farmaajo, saaxiib dhowna la yahay agaasimaha NISA, haddana wuxuu isu muujinayaa nin doonaya inuu dhexdhexaadiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka.
Qoorqoor waxaa ka horjeeda inta badan siyaasiyiinta Beesha uu metelo, wuxuuna wajihi karaa xaalad halis ah oo xilkiisa soo wajahda ama qalalaase ka dhaca Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo haddii uu si cad ula safto Madaxweyne Farmaajo, taasoo ku kaliftay inuu isu muujiyo dhexdhexaad inta lag adkaanayo Mucaaradka oo uu rajeynayo ama xal imaanayo uu isagu qeyb ka yahay.
Hirshabeelle waxay Galmudug kala mid tahay in siyaasiyiinta waaweyn ee Beelaha kasoo jeeda Sh/Dhexe iyo Hiiraan ay si weyn u diidan yihiin Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee Doorashada 2020/2021; waxaana arrinta sii xumeeyay xaaladda gadoodka ah ee ka taagan Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha aan weli la caleemo saarin ee Villa Somaliya geysay Hirshabeelle Cali Guudlaawe ma awoodo xilligan oo xaalad adag ay ka heysato Gobolka Hiiraan inuu la safto Madaxweyne Farmaajo, waxaana la ogyahay inuu madaxda mucaaradka u muujiyay dhexdhexaadnimo; waxaana cad in Hirshabeelle noqon doonto halka ugu danbeeya ee doorasho ay wadato Villa Somaliya ka dhici karto.
Qoorqoor iyo Guudlaawe waxaa mowqfiyadooda cabsida leh iyo hubanti la’aanta heysata laga fahmi karaa khudbadihii aan jihada lahayn ee ay ka jeediyeen Shirkii &Somali Partnership Forum ee Muqdisho.
Marka la isku soo duubo Shanta maamul Goboleed ee dalka Wuxuu Madaxweyne Farmaajo xiligan isku hubaa inay Doorashadiisa ka dhici karto waa K/Galbeed, halka Puntland iyo Jubbaland si buuxda uga horjeedaan. Dhinaca kalena Galmudug iyo Hirshabelle ayaan mowqif lahayn oo is-difaac iyo ishaa-falateysi ku jiraan.
Xaaladan adag waxay keenay inuu Madaxweyne Farmaajo ku qasbanaado inuu waanwaan cusub magaalada Garowe ugu diro Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo heshiis ka keeni waayey musharixiinta ay isku heybta yihiin ee xaruntoodu tahay Hotel Jazeera, magaalada Muqdisho.