Ilo xog ogaal ah ayaa Badweytims u xaqiijiyay in si iskood ah ay u joojiyeen safar Muqdisho lagu waday in ay kusoo gaaraan Madaxweynayaasha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe & Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ay qayb uga noqdaan Shirka Madasha Soomaaliya & Saaxiibada Caalamka.
Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu Berri oo Isniin ah kuna beegan 7-da December 2020 uu ka furmo Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalaya Madaxda heer federal & heer Dowlad Goboleed oo dhinac ah & Daneeyaasha Arrimaha Soomaaliya.
Axmed Madoobe & Siciid Deni oo marar kala duwan diiday ka qaybgalka kulamo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay Shuruudo haddii la fuliyo kadib ay ka qaybgali karaan kulamada lagu martigeliyo.
Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si cad u sheegay in uusan ku dhawaaqi doonin Guddiga Doorashada 20/21 ilaa inta Ciidamada DFS ay geysay Gobolka Gedo dib ugu soo qaadeyso.
Safiirada danaha kala duwan u jooga Muqdisho ayaa wada dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ay isugu muujinayaan Xaaladda Geedi socodka (Kala guurka) si ay galaangal muuqda ay ugu yeeshaan loolanka Doorashada.
Danjirayaasha ugu cad-cad ee ka muuqda Saaxada waxaa kamid ah Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjiraha Mareykanka, Turkiga, Wakiilada kala duwan ee Ururada & hay’adaha caalamiga ah.