Shalay Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa shaacisay in Maalinta Khamiista ah oo ku began 10-ka Bisha December in la dhageysan doono dacwad la xiriirta sax-ahaanshaha xilka xayuubintii lagu sameeyay 8 mudane oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland.
Hayeeshee Xildhibaannada lagu sameeyay ayaa beeniyay warkaas, iyaga oo sheegay in wax dacwada ah aysan u gudbin Maxkamadda sare sidoo kalena aysan dhankooda u imaan Warqad uga timid Maxkamadda Sare ee Puntland.
Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Garoowe ayaa Xidhibaannada qaarkood oo hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Eedeyntii Golaha Wakiilada uu ka horjeediyay xeer ilaaliyaha Puntland ee aheyd in ay galeen dambi la xiriira Shaqada Baarlamaanka iyo eedeymo kale aan waxba ka jirin taas oo u dhigantay mid ciqaabeed.
Waxaa ay sheegeen Xildhibaannada in Sharciga uu ahaa in muddo 48 Saacadood ah Maxkamad ay hortagaan, hayeeshee Baraha bulshada ay ku arkeen Warqad in Maxkamadda sare loo gudbiyay kiiskooda, isla markaana la ogeeysiiyay Xeer ilaaliyihii soo eedeeyay.
Xildhibaannada sidoo kale waxaa ay cadeeyeen Kiiskooda in aysan qaadi Karin Maxkamadda Sare dalka gaar ahaan ssihayaha Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo ay ku eedeeyeen in uusan dhex dhexaad ka aheyn kiiskaan.