Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa soo jeediyey in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu xilka ku wareejiyo Baarlamaanka, ayna doortaan madaxweyne cusub si looga badbado dagaal sokeeye.
Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa sheegay in la fulin waayey qorshihii Doorashada, laguna socon waayey jadwalkii Doorashada ee ay isla garteen in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobleedyada, isagoo caddeeyay in la rabo 8-da Janaayo in la helo madaxweyne cusub.
Waxaan soo jeedin ahaa Madaxweynaha Xilka Baarlamaanka haku soo wareejiyo, Baarlamaanka waa in uu qabtaa doorasho Madaxweyne.. wax kale oo bannaan ma leh.. Arrinta Baarlamaanka ayey u taallaa, iyaga ayaa awood u leh inay doortaan Madaxweyne ayuu yiri xildhibaan Idiris.