Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
Rabbi jannadiisa firdoos ha ka waraabiyo adeer Abdi Afrax Cosoble oo maanta ku geeriyooday magaaladan Göteborg ee dalka Sweden.
Wax uu ahaa oday Soomaaliyeed, waddani, cibaado badan. Calanka Somaliyana ku faana, indhihiisana ilmo ayaa ka iman jirtay kolka uu ka hadlayo isbeddelka xun ee ku dhacay dalkeena Somalia.
Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Göteborg. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Allaha u naxariistee (Abdi Afrah Osoble) Wuxuu ahaa halyeey Somaliyed. Waxaana lagu xasuusan doona. Somali jeceel iyo cibaado.
Wuxuu ahaa qof jecel in uu la sheekeysto dhalinyarada asigoo ku guubaabin jiray wadaniyada iyo qiimaha dalkeena uu leeyahay. Ummada Somaliyeed ee ku dhaqan magalada Göteborg aad beey u tabi doontaa. Sharaf iyo xushmad ayuu marxuumku ka mudan yahay umadda soomaaliyeed,