Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaannada mudad xilheyntooda uu ka dhamaaday oo ka hadlayay xaalada dalka ayaa sheegay in muddadii xilheyntoodii uu ka dhamaaday, Madaxwyne Farmaajana muddo 40 Cisho ah ay u harsan tahay, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan muuqan fursadii lagu qaban lahaa doorasho la isla ogolyahay.
“Maanta ayay ku egtahay muddo xileedka Goleyaasha Barlamaanka. Duqa Farmaajo ahna 40 cisho ayaa ka hartay muddo xileedkiisa. Doorasho la isla ogolyahay iyo daruuftii lagu qaban lahaa ilaa hada midna nooma muuqato ayuu yiri” Mahad Salaad.
Hoos Ka Akhriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Farmaajo wuxuu yaqiinsaday doorasho xor iyo xalaal ah in uusan Madaxweyne mar labaad ku noqon karin. Sidaas daraadeed wuxuu go’aansaday in uu keligiis isku caano shubo ama dalka geliyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.
Lama yaabani Farmaajo oo waa nin garasho siyaasadeed ka arradan, guulwadeyaal sii luminayana ay hareerahiisa buuxaan. Lkn waxan waydiin lahaa NACAMLEYAASHA HAWIYE EE HAREERIHIISA DHOOBAN, ma sidaan ayay dan moodeen mise marka Farmaajo dalka iyo dadka dagaal geliyo, diyaaradna ka raaco ayay rakaabka diyaaradiisa kamid noqon doonaan?!