Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay waxaa ay gudaha dalkaasi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.
Muwaadinka soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Aadan ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dhex-dileen Dukaankiisa oo ku yaalla degaanka Danoon oo (21 km) u jirta Xaafadda Bellville ee Magaalada Cape Town.
Ragga dilka u geystay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale dhac xoogan u geystay, iyaga oo qaatay lacag iyo Agab kale oo dukaanka yaallay, kaddibna ay Goobta ka baxsadeen.
Cali Deeq Maxamed oo kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay muwaadinka Soomaaliyeed u gurmadeen, hayeeshee dhaawac culus oo ay Burcadda gaarsiiyeen uu u geeriyooday, waxaana meydkiisa la dhigay Isbitaalka Magaalada Tygerberg,iyada oo lagu wado in Maanta la Aaso.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba lagu dilaa Boqolaal Soomaali ah, waxaana la sheegay in dilalka ay kordhaan marka la gaaro dhamaadka sanad kasta, iyada oo aysan jirin dad wax ka qabta dilalka loo geysto Soomaalida.