Post View....

Weerar Middi loo Adeegsaday oo Ka Dhacay Dalka Shiinaha.

0
61

BEIJING:-Ilaa toddobo qof ayaa geeriyootay kaddib weerar middi loo adeegsaday oo ka dhacay Kaiyuan oo ah magaalo yar oo ku taalla gobolka Liaoning ee waqooyi bari dalka Shiinaha.

Warbaahinta CCTV ee dalka Shiinahay sidoo kale sheegtay in weerarkaas ay ku geeriyoodeen toddobo qof oo kale.

Maamulka iyo booliska magaalada uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen ninkii weerarkan geystay.

Dadka weerarkaasi ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa la sheegay in ay u badanyihiin haween badankood da’ ahaa.

Booliska ayaanan wax faahfaahin ah ka bixinin xaaladda ninka weerarka geystay iyo dadkii uu dhibaateeyay intaba.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay laba askari oo boolis ah oo midkood uu wato xaaqin “mafiiq” oo isku dayaya in ay is hortaagaan ninka weerarka geystay.

Sharciga dalka Shiinaha ayaa aad u xakameeyo qaadashada hubka hase yeeshee waxaa sanadihii dambe soo badanayay weerarrada loo adeegsado middiyaha oo horay ugu yaraa dalkaas.

About Author