Kenya oo sheegtay in ciidama KDF ay tiro Al Shabaab ah ku dileen Lamu.

38

Dhowr ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay Kaymaha Boni kaddib weerar ay ku qaadeen Ciidamada Kenya ee (KDF) maalintii Axadda.

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargaysyada Kenya, booliiska dalkaas ayaa sheegay in hub laga soo qabtay intii lagu jiray hawlgalkii ka dhacay deegaanka Bodhei ee xadka magaalooyinka Lamu iyo Garissa.

“Dhacdadu waxay dhacday subaxnimadiiAxaddamarkii ay socdeen hawlgallada dabagalka,” ayuu sarkaal ka tirsan booliska Kenya u sheegay Capital News.

Ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee dagaalyahanada ladilay mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Taliska guud ee Ciidamada Kenya ee KDF.

Dilalku waxay daba socdeen dhaqdhaqaaqyo xoog leh oo ay Al Shabaab ka waday inta badan xadka Soomaaliya.