Post View....

Xukuumadda Soomaaliya oo Ballanqaadday Qabashada Doorasho Hufan.

0
73

MUQDISHO:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay u taagantahay xal u helidda cabsida musharraxiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumaddu ka go’antahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada kalsoonaan karo.

“Albaabada Xafiiskeygu weey u furanyihiin cid walba oo danaynaysa arrimaha doorashooyinka waxaana diyaar u nahay in aan ka jawaabno tabashadooda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Mudane Rooble ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is dejiyaan kuna kalsoonaadaan howlaha ay waddo xukuumadda.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa yimi kaddib saacado uu wadahadallo uu Muqdisho kula yeeshay danjirayaasha ka socda beesha caalamka, labada dhinac ayaana ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin nabadgelyada iyo arrimaha doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan ay ka dhacaan doorashooyinka labada aqal ee baarlamanka iyo madaxweynaha, taas oo sida ku cad jadwalka doorashada billaabanaysa Arbacada soo socota.