Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax oo shalay gaaray halkaas iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa maanta yeeshay kulan.
Kulanka ayaa waxay uga hadlayeen sidii loo dejin lahaa xiisada ka dhalatay safar la sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu ku tegi lahaa Magaalada Beledweyne, taas oo sababtay in saakay ay dagaalamaan Maleeshiyaadka diidan safarkaas oo uu hoggaminayo sarkaal lagu Magacaabo Abuukar Xuud & Ciidamada Booliska ee ku sugan B/weyne.
Wararka kulanka laga helay ayaa waxay sheegayan in Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax iyo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay ku heshiiyen Afar qodob loo lagu dejin karo xiisada ka taagan Beledweyne, kuwaas oo kala ah.
1: In Wasiirka Arrimaha gudaha uu Odayaasha u ballan qaaday in Madaxweynaha Hir-Shabeelle tegi doonin Beledweyne ilaa xal laga gaaro khilaafka jira iyo tabashada ay qabaan Reer Hiiraan.
2: In Ciidamada Dowladda aysan awood Ciidan u adeegsan doonin dadka diidan dhismaha Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, kuwaas oo maalamahaan banaanbaxyo ka waday Magaalada Beledweyne.
3: Wasiirka Arrimaah Gudaha ayaa Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday inay xiisada dejiyaan sidoo kalena ka qeyb qaataan sidii loo furi lahaa wadooyinka ay xireen dadka banaanbaxa ka dhigayay Magaalada Beledweyne.
4: In Odayaasha Dhaqanka ay Wasiirka u keenaan Warqad ay kusoo qorayaan tabashada ay ka qabaan Maamulka Hir-Shabeelle si uu ugu gudbiyo Madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan si weyn looga dareemayay xiisada dagaal oo ka dhalatay markii Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu Beledweyne ka sheegay inuu tagayo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe si loogu caleemo saaro.