Ku dhawaad 6 sannadood ka dib xadka Jabuuti iyo Soomaaliland oo la furay.

46

Waxaa dib loo furayaa isku socodka shacabka iyo gaadiidka xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland oo dhowr sannadoodba xidhnaa.

Arrintan ayaa ka dhalatay kulammadii ay wada yeesheen madaxda Jabuuti iyo kuwa Somaliland oo maalmahanba safar ay ku joogeen dalka jabuuti uu shalay uu u soo dhamaaday.

Sannadkii 2014-kii ayay ahayd markii Jabuuti ay gebi ahaanba xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliland ka dib qarax xilligaasi ka dhacay dalka Jabuuti inkastoo markii dambe dib loo furay.

Hase yeeshee labadii sannadood ee ugu dambeeyay ayaa hadana dib loo xiray oo waxaa la diiday iney xadka ka gudbaan dhammaan gaadiidka ka yimaada Soomaliland.

Baabuurta rakaabka iyo xamuulka ah, ma aysan dhaafi jirin xadka oo waxaa la sameyn jiray agabka iyo rakaabkuba waxaa lagu wareejin jiray gawaari kale oo u sii gudbineysa gudaha Jabuuti.

Arrintan oo dhibaato ba’an ku haysay shacabka ayaa waxaa xallinteeda shaaciyay madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uuna sheegay inay ka wada hadleen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle.

.

“Waxaan madaxweynaha Jabuuti iyo xukuumadiisuba uga mahadcelineynaa in dhibaatadii ka jirtay xadka la dhameeyay.”

“Waddada oo muddo 6 sano ku dhow xirnayd sababo amni awgood marka hadda haddii la furay jidkaa waxaa na saaran mas’uuliyad weyn labada dhinacba, mas’uuliyadda na saaranna waxaa weeye, dadka aan xilkaska ahayn ama maskaxdooda la badalay ee dhibaatooyinka wada ee nabad galyada xumeyn kara ee dhinac walba jooga sidaa darteed shacabka ayuu xil ka saaranyahay in la wada ilaaliyo danteena oo qofka dhabar jabinaya amniga aad qabataan oo adinka boolis noqotaan, haday nabad galayada naga xumaato ma noolaan karayno.”

Dhanka kale Cabdullaahi Cabdi Faarax oo ah taliyaha ciidanka booliska Jabuuti ayaa isna dhankiisa sheegay in wax sharuudaha oo caqabad ku noqon doono shacabka iyo gaadidka ka imanaya Soomaaliland aysan jiri doonin.

“Xadka wuu furanyahay, gaadidku waa ay marayaan, shuruudda kaliya ee lagu xirayo ayaa ah in gaariga la diwaan geliyo marka uu waddada ku cusub yahay.”

Xigasho:BBCSomali