Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa saakay ku dagaalamay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Janeraal Abuukar Xuud, kuwaas oo diidan dhismaha Hir-Shabeellle iyo inuu Magaalada Beledweyne tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Janeraal Xuud oo ka yimid dhinaca degaanka Ceel-gaal ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo aga-gaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, kadib markii ay ka warheleen in Maanta uu Beledweyne ku wajahan yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle.
Dagaalka ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa la xaqiijiya inay ku dhaawacmeen laba ruux oo mid ka mid ah uu yahay dhinacyadii dagaalamay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay y Isbitaalka Magaalada Beledweyne.
Qaar kamid ah horjoogayaasha Maleeshiyaadka Janeraal Xuud ayaa waxay sheegeen inay qabsadeen Xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne, isla markaana ay dagaalami doonaan intii uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle imaan lahaa Beledweyne.