5 Dukaan Oo Cusub Oo Dhawaan Ganacsato Soomaali Ah ay Ka Furteen Deegaanka Tsakane Ee Hoos taga degmada Ekurhuleni- Johannesburg Ee gobolka Gauteng ayaa la xiray kadib markii ay diideen inay bixiyaan lacago lagu soo rogay.
Muddo bil laga joogo, dagaal rasaas la isku adeegsaday ayaa la sheegay inuu ka dhacay dukaan cusub oo ay Soomaalidu ka furatay waddada Malandela inkastoo is rasaaseynta dhexmartay dadka deegaanka iyo ganacsatadii laheyd dukaanka aysan geeysan wax qasaara ah.
Dadka deegaanka Tsakane ayaa xili hore kulan ay yeesheen waxay ku go’aansadeen in aan la ogolaan karin dukaamo dheeri ah oo ajaanibta ay deegaankoda ka furtaan madaama deegaanka uu awalba la ciir ciirayay ganacsiga ajaanibta oo wado walba ku yaalla.
Rashiid C/laahi, oo ah kamid ah milkiilayashii dukaamaha laga xiray ayaa sheegay in isaga iyo milkiilaha guriga uu dukaanka ka furtay loo hanjabay dhowr mar wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah dadka deegaanka Tsakane ay u yimaadeen islamarkaane ay weydiyeen in uu bixiyo lacag dhan R1,500 si dukaankiisu ugu sii furnaado.
Rashiid, ayaa u sheegay GroundUp Media In uu wali la tacaalayo dhibaatadii ka soo gaadhay bililiqaysiga iyo gubida loo geeystay dukaan uu ku lahaa gobolka Limpopo hadane uu yahay dhibane dukaankiisu laga xiray hantina ay ka qasaareeyso.
Waraa Tarjumay Suxufi Sare Omar KiyowWAR CUSUB : Dukaamo Soomaali Leedahay Oo Albaabada Loo Laabay Gobolka Gauteng.
5 Dukaan Oo Cusub Oo Dhawaan Ganacsato Soomaali Ah ay Ka Furteen Deegaanka Tsakane Ee Hoos taga degmada Ekurhuleni- Johannesburg Ee gobolka Gauteng ayaa la xiray kadib markii ay diideen inay bixiyaan lacago lagu soo rogay.
Muddo bil laga joogo, dagaal rasaas la isku adeegsaday ayaa la sheegay inuu ka dhacay dukaan cusub oo ay Soomaalidu ka furatay waddada Malandela inkastoo is rasaaseynta dhexmartay dadka deegaanka iyo ganacsatadii laheyd dukaanka aysan geeysan wax qasaara ah.
Dadka deegaanka Tsakane ayaa xili hore kulan ay yeesheen waxay ku go’aansadeen in aan la ogolaan karin dukaamo dheeri ah oo ajaanibta ay deegaankoda ka furtaan madaama deegaanka uu awalba la ciir ciirayay ganacsiga ajaanibta oo wado walba ku yaalla.
Rashiid C/laahi, oo ah kamid ah milkiilayashii dukaamaha laga xiray ayaa sheegay in isaga iyo milkiilaha guriga uu dukaanka ka furtay loo hanjabay dhowr mar wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah dadka deegaanka Tsakane ay u yimaadeen islamarkaane ay weydiyeen in uu bixiyo lacag dhan R1,500 si dukaankiisu ugu sii furnaado,.
Rashiid, ayaa u sheegay GroundUp Media In uu wali la tacaalayo dhibaatadii ka soo gaadhay bililiqaysiga iyo gubida loo geeystay dukaan uu ku lahaa gobolka Limpopo hadane uu yahay dhibane dukaankiisu laga xiray hantina ay ka qasaareeyso.
Waraa Tarjumay Suxufi Sare Omar Kiyow
XIGASHO:GroundUp Media