Siyaasiyiinta kooxda TPLF ee gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay sii daayeen in kabadan afar kun oo askari oo maxaabiis ahaan u haysteen.
Saraakiishan ayaa sheegay in ay qeyb ka ahaayeen taliska waqooyi ee ciidanka laakiin la xiray markii ciidamada Tigreega ay weerareen saldhig milatari oo federaal ah.
Galinkii hore ee Isniinta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu cadeeyay in militariga ay dagaalka ku guuleysteen balse siyaasiyiinta TPLF ayaa sheegay in ay dagaalamayaan.
Ka hor inta uusan dagaalku bilaaban militariga waxay saldhig ciidan ku lahaayeen waqooyiga Itoobiya kuwaasoo ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka.
Laakiin markii dagaalyahanada Tigreegu si lama filaan ah u weerareen saldhiga weyn ee dagaalka kiciyay, kumaan kun oo ka tirsanaaa milatariga oo aan Tigray ahayn ayaa isku arkay iney ku sugnaayeen goob cadaw. Waxaa xiray fallaagada TPLF haseyeeshe haatan waa lasii daayay.
Warbaahinta dowladda ee ku sugan caasimadda Addis Ababa ayaa xaqiijisay in la sii daayay ugu yaraan saddex kun oo askari.
Waxay soo werisay in qaar ka mid ahi yihiin ciidamada Tigreega oo diidey iney dagaalamaan, waana warbixin ay u badan tahay in kooxda TPLF ay gaashaanka u daruurto.
Dhanka kale Gudiga Xuquuqul Insaanka ee Itoobiya wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsanyahay kiisaska ah in dadka Tigreega ah si gaar loo waxyeeleeyo dagaalka awgii. (Waxay sidoo kale ku boorisay dowladda inay dib u soo celiso xiriirkii isgaarsiinta ee gobolka).
Dhanka kale Maamulka TPLF ayaa sheegay inay dib u qabsadeen magaalada labaad ee ugu weyn gobolka ee Axum isla markaana ay soo rideen diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo la yiraahdo Zadig Abraha ayaa been ku tilmaamay sheegashada TPLF ee ah inay dib ula wareegeen Axum.
Dhanka kale, hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in ciidamadiisa ay dagaal kula jiraan militeriga Itoobiya meel u dhaw caasimadda Mekelle halkaas labo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada dowladda.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu baarlamaanka u sheegay in hal qof oo rayid ah aan lagu dilin howlgalka militeri ee bisha ku dhawaadka ah ka socda Tigray, waxaana hadalkaas si weyn uga hor yimid madaxda Tigray.
Waa maxay walaaca bani`aadannimo ee ka taagan gobolka?
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in laga yaabo in dembiyo dagaal ay dhacaan gulufka ciidamada Itoobiya ay ku weeraraayaan Mekelle.
Waxay sidoo kale walaac ka muujisay in shaqaalaha gargaarka bani`aadannimo aysan geli karin gobolka.
Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii sheegtay in la furi doono qaab ay hay`adaha gargaarka ku tagaan gobolka taas oo ay kor ka eegeyso dowladda, iyadoo intaas ku dartay inay ka go`an tahay la shaqeynta hay`adaha QM.
Warbixin ay soo saartay Sabtidii, ayay Qaramada Midoobay ku seegtay in in ka badan 40,000 oo Itoobiyaan ah ay ka qaxeen gobolka tan iyo intii uu dagaalku bilowdy horraantii bishan November.
Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee ay soo magacowday Itoobiya ayaa ku eedeeyay kooxda dhalinyarada ah ee Tigray inay ka dambeeyeen xasuuq bishan dhexdeeda dhacay kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo rayid ah oo aan Tigray ahayn, kana dhacay magaalada Mai-Kadra . TPLF ayaa beenisay inay ku lug lahayd.
Kulan uu Jimcihii la yeeshay ergada nabadda ee Afrika ayuu Abiy ku sheegay in la dhowri doono dadka rayidka ah.
Waa kuwama TPLF?
Dagaalyahannada TPLF, oo badankood ka yimid koox milatariga ka tirsaneyd iyo maleeshiyo kale oo gobolka ka jirtay, ayaa loo maleynayaa inay gaarayaan 250,000.
Ururka waxaa la aasaasay sanadihii 1970-meeyadoo wuxuuna ku soo caan baxay kacdoonkii keligii taliskii Mengistu Haile Mariam, oo xukunka laga tuuray sanadkii 1991.
Waxay kaddib ahayd quwad siyaasadeed oo dalka ka jirtay ilaa Abiy uu ra`iisul wasaare ka noqdo Itoobiya sanadkii 2018.
Mr Debretsion ayaa sheegay in ciidamada Tigray ay “diyaar u yihiin inay ku dhintaan difaacidda xaqa maamulka gobolka”.