Olole tallaal oo ka dhan ah Covid-19 ayaa laga billaabay waddanka UK, maalintii Talaadada. Halka ay dowladdu ku dadaaleyso inay yareyso cabsida ay dadku ka qabaan cudurkan, dadka qaarna waxay qabaan cabsi kale oo taas ka duwan – waana irbadaha.
“Madnaha ayaa i boodboodi jiray. Niyadda waxaan iska dhihi jiray, ‘isdaji, wax dhib ah kuma soo gaarayo’ laakiin sidoo kale, waxaa kugu dhacaya argagax, dhib weyn ayaa runtii kaasoo gaadhaya’. Haddana ma taqaanid qofka, sidaas darteed ma aamini kartid’. Waxaan ku fikiri jiray sidii aan uga baxsan lahaa irbadda.”
Raelene Goody, oo 31 jir ah, oo qabta cudur sanbabbada ku dhaca oo la kala dhaxlo iyo dhibaatooyin dhinaca dheefshiidka ah, waxay mar walba u baahataa in la duro, dawooyinka ay qaadatana waxaa ka mid ah tallaal sanadkiiba hal mar loo siiyo ka hortagista hargabka.
Laakiin intii ay da’deeda u dhaxeysay afar sano ilaa ku dhawaad labaatan sano, waxay soo martay dhibaato aad u weyn oo ay u sababtay cabsida irbadaha, taasoo xitaa “ay la jareyn jirtay”, inta badanna waxaa la siin jiray dawo lagu seexiyo.
“Cabsida aan dareemayay waxay la mid tahay sida marka aad ka baqeyso caarada iyo masaska oo aad dooneyso inaad ka cararto. Waa dareen kaas la mid ah, waxay uga duwan tahay oo kaliya in ay irbad tahay,” ayey tidhi.
“Waxaa la ii sheegay in aan mar aabbeheey wariga feer uga dhuftay, laakiin anigu gabi ahaanba ma xasuusto marxaladdaas.”
Dhibaatada cabsida irbadda ee ay Raelene qabtay markii ay yareyd ma aha wax dhif ah. Dad kale oo badan ayaa qaba cabsi noocaasoo kale ah oo ay ka dareemaan irbadaha.
Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in xaaladdaas cabsida ah ay heer sare joogto xilliga carruurnimada, ayna sii yaraato mar walba oo ay qofka da;diisa sii kororto.
Laakiin sidaasoo ay tahay, waxay saameysaa 10% ka mid ah bulshada, sida ay sheegtay hayad samafal ah oo ka shaqeysa arrimaha la xiriira dareenka shacabka.
Inkastoo ay Raelene cabsi xoog leh ka qabtay irbadaha, haddana sanad walba waxay qaadan jirtay tallaalka ka hortagga hargabka, waxaana mararka qaar saacado badan lagu bixin jiray in hal irbad lagu duro.
“Waan ku khasbanaa inaan qaato tallaalkaas. Haddii anigoo aan la iga turin hargabka uu igu dhaco wuxuu iiga darnaanayaa caabuqa feeraha ku dhaca, kaasoo joojin kara shaqada sanbabbada haddii uu ku dhaco dadka xanuunkeyga oo kale la nool, xitaa waxaa suuragal ah inaan u geeriyoodo,” ayey tidhi.
Waxay gabadhan ku jirtaa dadka mudnaanta koowaad loo siiyay tallaalka Covid-19, maadaama ay ku jirto dadka halista ugu weyn ugu jira cudurkaas, xanuunka ay la nooshahay awgiis.
Waxay sheegtay in ay heli jirtay qaab loogu duri jiray tallaalka hargabka xilligii ay cabsida ugu badan qabi jirtay ee ay yareyd.
Kalkaaliso bashaash ah ayaa guriga ugu tagi jirtay, waalidiinteedana waxay u garab istaagi jireen si ay u dareensiiyaan in ay difaacayaan.
Hadda way dhaantaa sidii hore, wayna ku khasban tahay in la siiyo tallaalka Covid-19.
Xilligan hadda la joogo, ma jiro wax kale oo lagu baddali karo irbadda. Dhammaan tallaallada Covid-19 waa in lagu qaato irbad ahaan.
Ma laga yaabaa in dadka qaar ay iska dhaafaan tallaalka fayraska corona, cabsida ay irbadda ka qabaan awgeed?
Waaxda Caafimaadka ee UK ma aysan soo saarin wax talooyin ah oo ku aaddan cabsida isbadaha xilligan la sameynayo ololaha tallaalka coronavirus.
Dadka xaaladaha noocaas ah qaba waa inay la xiriiraan dhakhaatiirtooda, sida ay qabto hay’adda caafimaadka England ee NHS, taasoo laga dhowrayo inay maalmaha soo socda soo saarto talooyin ku saabsan tallaalka.
Barfasoor Heidi Larson, oo hoggaaminaya mashruuca kalsoonida Tallaalka ee ay waddo Xarunta fayo dhowrka caafimaadka ee London, ayaa sheegay in cabsida irbadaha ay si guud dhibaato ugu tahay dadka tallaalka u baahan, ayna suuragal tahay inay caqabad ku noqoto habsami u socodka tallaalka Covid-19.
Laakiin lama filayo inay saameyn aad u weyn ku yeelato ololaha Tallaaka ama ay gabi ahaanba hor istaagto.