
Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doono shirka madasha aragti wadaagga sanadlaha ee uu soo qaban qaabiyey Machadka Hiratage, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka & doorashada.
Shirweynahan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka, guddoonka labada aqal,xubno ka mid ah musharraxiinta mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka.
Madasha aragti wadaagga oo qaadan doonto saddex cisho ayaa waxaa sanadkan diirada lagu saarayaa sidee 2025 looga bixi karaa Kumeel gaarnimada iska socota?, si dalka u helo Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod iyo nidaam federaal oo shaqeynaya.
Sidoo kale madaxda ka qeyb-galeysa shirkan sanadlaha ah oo isugu jiroi mucaarad iyo muxaafad ayaa xalay yeeshay kulamo hordhac ah oo isku wareysteen dhinacyadaasi.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale adkeeyey ammaanka magaalada Garoowe oo la ciir-ciireysa mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb-galeysa shirkaasi.
Waa sanadkii ugu horreeyey madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee Machadka Hiratage lagu qabanayo gudaha dalka, iyada oo markii hore lagu qaban jiray Jabuuti.