Afar kamid ah shaqaalaha gargaarka ah ayaa ladilay bishii la soo dhaafay intii lagu guda jiray dagaal kii gobolka Tigreega ee Itoobiya, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.
Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) ayaa soo shaaca ka qaaday dhimashada seddex waardiye ah, halka guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC) uu ku dhawaaqay dhimashada mid ka mid ah shaqaalihiisa oo lagu dilay gudaha xero qaxooti oo ku taalla Itoobiya.
“Isgaarsiinta deegaanka aad ayay u adag tahay welina waxaan ka shaqeyneynaa xaqiijinta iyo helidda warbixinnada,” IRC ayaa sidaas ku sheegtay warsaxaafadeed.
Kooxda bani`aadannimada ayaa sheegtay inaysan weli aqoonsan qofka geeriyooday, xilliga iyo sida uu dilku u dhacay.
Balse warsaxaafadeedkeeda waxay ku sheegtay in shaqaalaha gargaarka uu markii la dilayay ka shaqeynayay xerada qaxootiga Hitsats ee deegaanka Shire.
Ururka ayaa sheegay inuu “ka shaqeynayay Tigray si uu u caawiyo 96,000 qaxooti ah oo ku sugan afar xero oo loo fidinayay adeegyo kala duwan, oo ay ku jiraan biyo nadiif ah fayadhowrka iyo waxbarashada”.
Ciidamada dowladdu waxay la dagaallamayaan kooxda (TPLF) tan iyo 4tii Nofembar.
Dawladdu waxay sheegtay in ay gacanta ku hayso gobolka Tigray khilaafkiina uu dhammaaday.
Laakiin hogaamiyaasha kooxda TPLF ayaa sheegaya inay wali ka dagalamayaan furiimo kala duwan
Dhanka kale, Mareykanka wuxuu ku eedeeyay ciidamada Ereteriya inay soo galeen gobolka Tigray, iyadoo Itoobiya iyo Ereteriyaba ay beeniyeen arrinkaasi.
Boqollaal, amaba xitaa kumanaan, qof ayaa loo maleynayaa in lagu dilay dagaalka gobolka tigray, halka qiyaastii 50,000 ay u qaxeen dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.
Mareykanku wuxuu ugu baaqay Ereteriya in ciidamada kala baxdo gobalka Tigray.
Mareykanku wuxuu rumeysan yahay in militariga Ereteriya oo u janjeera dhanka dowladda Mr Abiy marka ay timaddo arrimaha xisbiga TPLF – ay u galeen gobalka sababo la xiriira gantaal lagu garaacay caasimadooda Casmara .
Waxaa jira warbixinno lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan ku lug lahaanshaha militariga Ereteriya ee Tigreega waxaanan u aragnaa tani inay tahay arrina khatar ag , “ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
“Waxaan ku boorineynaa in ciidan kasta oo noocaas ah si deg deg ah looga soo saaro.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.