Qeybta Warbaahinta ururka argagixisada ee Ashabaab ayaa baahisay Video cusub oo ku saabsan weerarkii dabley ka tirsan ku qaadeen Dhismaha Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi ka dhacay Janaayo 5, 2019.
Muuqaalka kooxda Alshabaab ayaa lagu soo bandhigay raggii fuliyey weerarka oo gaaraya 5 dagaalyahan, waxaana muuqaalka laga duubay iyagoo isu diyaarinaya maalin ka hor iyo markii ay kusii jeedeen goobta bartilmaameedka u ah ee ay beegsadeen.
Dagaalyahannada Alsahbaab ee weerarka qaaday ayaa 3 ka mida ahaa Kenyaan, halka labada kale ay ahaayeen Soomaali. Hoggaamiyaha kooxda ayaa lagu magacaabi jiray Cali Salim Gichunge oo ah Kenyan kasoo jeeda qabiilka Kikuyu.