Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa ka qeyb galay Bandhig Gobalka Banaadir iyo Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ay si waddajir ah ugu soo bandhigayeen halka uu marayo barnaamijka dib-u-dhiska waddooyinka ee Muqdisho oo Ganacsatadu si weyn uga qeyb qaadatay islamarkana lagu dhisayo waddooyin dhan 52Km oo Magaalada gudaheeda ah.
Wasiirka ayaa ku amaanay doorka ganacsatada Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska dalka sidoo kalana waxaa uu bogaadiyey kaalinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Gobalka Banaadir.
Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa sheegay in tallaabadaani ay muhiim u tahay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga islamrkaana uu ganacsatada ku boorinaayo inay si waddajir ah uga qeyb-qaataan dhismaha waddooyinka.