Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 13-aad ee aan caadiga ahayn ee Shirka Midowga Afrika.
Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay Khadka Internetka ayaa tilmaamay in tallaabo wanaagsan loo qaaday xaqiijinta hiigsiga Afrika ee mideynta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale, taas oo xoojinaysa nabadgelyada, xasilloonida iyo mustaqbalka Afrika.
“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka qalinka ku duugay hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaa ka go’an in ay ka faa’iideysato hal-abuurka ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadkeenna Soomaaliyeed oo ay weheliso booska istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu”.
“Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika waxa uu noqon doonaa fursadda ugu weyn ganacsiga xorta ah ee adduunka, iyadoo la heli doono suuq ka kooban 1.3 bilyan oo qof iyo fursado dhaqaale oo faa’iido leh”.