Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya ee la socda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa wasiirada uu la qaatay madaxweyne Deni waxaa ka mid ah Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) & Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim.
Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay wasiirada uu la kulmay arrimo kala duwan, gaar ahaan wada-shaqeynta kala dhexeysa maamulkiisa iyo xaaladda guud ee dalka.
Sidoo kale kulamadan ayaa u muuqda kuwo dahaarayo natiijo la’aanta ka soo baxday shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble & Siciid Deni.
Wada-hadallada labada dhinac ayaa lagu ballamay inay sii socdaan, iyada maanta ay markale dib isku arki doonaan wafdiga ra’iisul wasaaraha iyo madaxda Puntland.
Dhinacayadan ayaa isku jaya arrimaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.
Si kastaba Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo magacaabin guddiyada doorashooyinka ee maamulladooda, taas oo caqabad ku noqotay jadwalkii hore loo soo saaray.