Sarkaalka ugu sarreeya sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Shiinuhu uu tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka uu ahaa “halista ugu wayn ee dimuqraadiyadda iyo xorriyadda”.
Qoraal uu ku daabacay Wall St Journal ku qoray, John Ratcliffe ku sheegay in Shiinaha uu awooddiisa ku kobcinayay sir uu ka xaday Mareykanka uuna sidaas daraadeed suuqa uga saarayay shirkadaha Mareykanka.
Maamulka Trump ayaa meel adag ka istaagay Shiinaha oo waxa uu ku soo rogay canshuuro alaabaha uu Shiinaha soo saaro iyadoo Beijing uu ku eedeeyay inay xadayso xogta farsamada ee dalkaas.
Shiinaha illaa hadda wax jawaab ah ma uusan bixin.
Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxa ay si xooggan uga jawaabtay tallaabooyinka Mareykanka sida canshuuraha badan iyo dedaallada lagu doonayo in shirkadda isgaarsiinta ee Huawei loogaga saaro suuqa Mareykanka.
Beijing waxa ay isu diyaarinaysay inay Mareykanka dagaal kala hortagto waxa ayna doonaysaa inay dunida maamusho “dhaqaale ahaan, milateri ahaan iyo tiknoloji ahaanba”, ayuu ka digay Mr Ratcliffe.
Qeyb ka mid ah haddallada Mr Ratcliffe ayaa waxa uu adkaynayay hadalo ay hore u sheegeen Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo iyo madaxa FBI-da Christopher Wray.
Sikastaba xaalku ha ahaadee, hadalkiisa ayaa waxa uu imanayaa xilli Shiinaha uu sare u qaaday cadaadiska uu ku hayo waddanka Australia oo Mareykanka xulafo la ah, iyadoo Shiinuhu uu daabacay liiska hab ay doonayso in Canberra ay u badesho hab dhaqan keeda, iyadoo canshuuro ku soo rogtay khamriga laga soo dhoofiyo Australia.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Hua Chunying ayaa gelinkii hore ee Arbacada waxa ay Mareykanka ku eedaysay “inuu soo qaaday olole kala duwan oo cabburin siyaasadeed ah oo ka dhan ah Shiinaha”.
Muxuu Ratcliffe sheegay?
Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka ayaa sheegay in Shiinaha uu badelay halistii Ruushka iyo tii argagixisada oo dhaqdhaqaaqa sirdoonka Mareykanka diiradda lagu saarayo dalkaas.
Shiinaha ayaa waxa uu ku lugleeyahay basaas dhinaca dhaqaalaha ah kaas oo uu Ratcliffe uu ku tilmaamay “dhac, nuqul kala bax misana badel” – iyadoo uu tusaale u soo qaatay khamri Shiinaha uu soo saaro oo lagu helay dambi ah inay xog ka xadeen shirkad Mareykanka laga leeyahay oo khamriga soo saarto, iyadoo shirkaddaasna ay lumisay qiimihii saamiga shaqaale badanna eriday.
Waxa uu sheegay in kharashka sanadwalba Mareykanka uu ku lumiyo xogta laga xaday ay gaarayso $500 oo bilyan oo doolar. Waxaana caadi iska noqday xariga ay FBI-da u gaystaan dadka u dhashay Shiinaha ee lagu eedeeyo inay xadayeen cilmi-baaris, Shiinaha ayaa sidoo kale waxa uu $50,000 bishii sii jiray madaxa waaxda Kimistariga ee Jaamacadda Harvard illaa ninkaas horraantii sanadkan la soo xiray.
Dhanka kale wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa laba shirkadood oo ka mid ah kuwa ugu waa wayn waddanka Shiinaha waxa ay ku dartay liiska madow ama shirkadaha uu leeyahay milateriga Mareykanka.
Shirkadaha Shiinaha ee Mareykanka uu liiska madow ku daray waxaa ka mid ah shirkadda SMIC iyo shirkadda kale ee shidaalka iyo gaaska, kuwaa oo haatan laga billaabo aanay u suurtageli doonin in ay helaan qalabka iyo farsamada lagu sameeyay gudaha Mareykanka.
Guud ahaan 35 shirkadood oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa haatan ku jira liiska madow ee wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee the Pentagon.
Madaxweyne Trump ayaa soo saaray amar madaxweyne oo shirkadaha maalgashiga ee Mareykanka looga mamnuucayo in ay qeyb ama saamiyo ka iibsadaan shirkadaha Shiinaha ee xayiraadda la saaray laga billaabo sanadka dambe.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa sidoo kale adkeeyay shuruucda iyo qaabka loola dhaqmayo xubnaha xisbiga shuuciga ahi ee hayo talada dalkaasi Shiinaha iyo qoysaskooga ee doonaya in ay safar ku yimaadaan Mareykanka.