Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu wadaa Berri oo khamiis ah uu tego magaalada Garoowe.
Marka uu gaaro halkaas waxa kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta Puntland iyo qeybo kamid ah Bulshada Rayidka ah.
Sida uu qorshaha yahay Mudane Rooble Garowe kaddib waxa uu socdaal dhanka dhulka ah ku tegeyaa Magaalooyinka Gaalkacayo ilaa Dhuusamareeb, Oo Katirsan Maamulka Galmudug.
Xubno katirsan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidaas xaqiijiyey Warbaahinta Badweyn diyaar garoow soo dhaweynta wafdigiisana ay ka socoto Garowe.
Maalmo ka hor ayuu Maxamed Xuseen Rooble ka sheegay Shirkii Xerada Xalane ka dhacay in Magaalooyinka qaar Dawlad Gobolleedyada uu tegi doono.