Ra’iisul Wasaare Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal kuwaas oo Ra’iisul wasaaraha warbixin iyo is xog wareysi ka siiyay Hormarada ka socda deegaanada, guulahay gaartay intii ay Talada degaanka joogeen iyo arimaha siyaasadda Dalka oo doorashada isku diyaarinaya.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday inuu Qeyb ka noqdo Didaalada lagu doonayo in la siidaayo Maxaabiis reer Galmudug ah oo ku xiran magaalada Garoowe, kuwaas oo Muddo ay arrintooda Ay Garoowe u joogeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada booqashada ay ugu yimaadeen isagoo balan qaaday in xukuumadiisa ay Wadamada Iyo Beesha Caalamka ay ku Cadaadin doonto Siidaynta wiilasha Soomaaliyeed ee ku eedeynsan Burcad Badeednimada.