Post View....

Qoor Qoor oo sheegay in uu bilaabay xalinta tabashada laga qabo doorashada

0
78

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) oo ka hadlayay Madasha Aragti-Wadaagga ee Garoowe  ayaa sheegay in uu halkaasi u tegay in xal laga gaaro Madmadowga yar ee kasoo ifbaxay hanaankii lagu heshiiyay ee doorashooyinka dalka

Waxaa uu sheegay in uu la kulmayo Madaxda Dowladda & dowlad Goboleedyada si looga gudbo tabashada mas’uuliyiinta qaar ay ka qabaan Arrimaha doorashooyinka taasina uu dadaal farabadan ku bixin doono.

“ Waxaan halkaan u imaaday inay la kulmo Madaxda tabashada kala qabto, waxaana rajjeynayaa in kulamadaas ay kasoo bixi doonto natiijo wanaagsan oo xaq u noqoto dalka lana qabto doorasho waxaana ka codsanayaa madxda iyo waxgaradka inay gacan ka geystaan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in saamileyda Siyaasadeed ee dalka inay ka fikiraan sida ay noqon karto xaalada dalka afar sano kadib lagana shaqeeyo xasilinta dalka, shirka garoowana  qodobadiisa ay yihiin kuwo si dhab ah u taabanaya dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

About Author