Axmed Madoobe” Aniga ma ihi Nin Kenya difaacaya waxan ahay Soomaali”

72

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Madasha Aragti-Wadaagga ee Garoowe  aya ka hadlay Arrimaha Gobolka Gedo iyo xiisadaha maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa Gobolkaas iyo Arrimaha doorashooyinka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya halkii ay dhanka Amniga ka caawin laheyd Maamulka Jubbaland ay dagaal adag la gashay, isla markaana Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee dagaalka kula jira Al-Shabaab dagaal kale loogu daray.

Waxa uu sheegay in Ciidamadii dowladda ee loogu talo galay la dagaalanka Al-Shabaab lagu daabulay gobolka Gedo, isla markaana degaannadii Amniga ahaa la geeyay.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlayay arrimo dhowr jeer lagu eedeeyay ee ahaa in uu gacan saar la leeyahay Kenya ayaa waxaa uu sheegay in isaga uusan difaac Kenya u aheyn, isla markaana uu yahay Soomaali jooga dalkiisa.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka muranka ka taagan yahay, waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in Gobolka Gedo doorasho ka qabato una madax banaaneyn Maamulka Jubbaland.